Tartan ka mid ah kuwii ugu xiisaha badnaa ee barnaamijka Tartan iyo Tacliim oo xalay dhexmaray afar ka mid ah dugsiyada sarre ee Puntland

Bosaso, Aug 02 – Barnaamija Tartan iyo Tacliim oo ay ku tartamayaan dugsiyada sarre ee ku yaaalla deegaanada Puntland ayaa xalay galay habeenkii tobnaad.

Dugsiyada? Manaaratu Baydaa Bosaso iyo Goldogob Secondary ayaa ku tartamay qaybtii hore ee barnaamijka xalay,waxaana labada dugsi ay soo bandhigeen tartan aqooneed xiiso badan.

Gudoomiyaha guddiga barnaamijka Tartan iyo Tacliim Yuusuf Suudi Cabdi ayaa markii uu tartanku soo gabagaboobay ku dhawaaqay natiijada labada dugsi ee tartamay.

Dusiga sarre ee Goldogob oo? la waydiiyay lixdiisii su’aalood ee barnaamijka uu ku lahaa? ayaa waxaa uu ka jawaabay afar ka mid ah su’aalalaha la waydiiyay, waxa uu khalday laba su’aal, mana uusan helin wax ka faa’iidaysi ah, sidaasi waxaa uu ku mutaystay sideed darajo.

Dugsiga? Manaara Baydaa ee la tartamayay ayaa waxaa la waydiiyay lix su’aalood oo uu xaq u lahaa, waa uu ka jawaabay dhamaan su’aalaha la waydiiyay, waxaa uu ka faa’iidaystay hal su’aal, sidaasi ayaa waxaa uu Manaara Baydaa uu ku helay 13 darajo guushana ay ku raacday

Qaybtii labaad ee barnaamijka Tartan iyo Tacliim ayaa waxaa ku tartamay Burtinle Secondary iyo C/laahi Ibraahim? Ufeyn.

Gudoomiyaha guddiga barnaamijka Tartan iyo Tacliim ayaa ku dhawaaqay natiijada tartanka.

Dugsiga C/laahi Ibraahim Ufeyn oo la waydiiyay lix su’aalood,kama uusan jawaabin wax su’aal ah, kafaa’iidaysi ayaa waxaa uu u helay hal su’aal, sidaasi ayaa waxaa ku mutaystay hal darajo.

Dugsiga sarre ee Burtinle ayaa la waydiiyay lix su’aal, waxaa uu ka jawaabay sadex su’aal oo uu ku helay lix darajo, ka faa’iidaysi ayuu mar kalle u helay afar su’aalood oo u dhiganta afar darajo, sidaasi waxaa uu ku helay toban darajo guushana ay xalay ku raacday.

Caawa haddii uu Eebbe Idmo waxaa barnaamijka? ku tartami doona afar dugsi oo kala ah.

  • Nawaawi Qardho Vs Nugaal Secondary
  • Al-Najax Bosaso?? Vs Nawaawi Garoowe.

Barnaamijka Tartan iyo Tacliim ayaa waxaa maal galinaysa shirkadda Isgaarsiinta Golis, waxaana gacan wayn ka gaysanaya wasaaradda waxbarshada Puntland iyo Daladda Waxbarashada Ahliga ee PEN.

Diiwaanka Wararka

Daljir Bosaso

?

?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com