Dalalka Paris Club oo Soomaaliya ka cafiyey deyn dhan 1.4 bilyan

Dalalka Paris Club oo Soomaaliya ka cafiyey deyn dhan 1.4 bilyan

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka qeyb-galay Shir hab muuqaal ah ahaa (Video Conference) kaas oo ay la galeen wadamada ku bohoobay Naadiga Paris {Paris Club},shirkaas oo wadahadal dheer kadib la sheegay in uu si guul ku idlaaday.

“Waa taariikh kale oo baal dahab ah u galeysa bulshada Soomaaliyeed maadaama Naadiga Paris ay naga cafiyeen deyn dhan 1.4 billion Dollar, Waxaan u mahadcelinayaa dhamaan wadamada Paris club ee Soomaaliya ku garab istaagay dib-u-habeynta iyo horumar ka Maaliyadda dalka ayuu yiri”wasiir Beyle.

Kulanka ayaa Wasiirka Maaliyadda waxaa uu sheegay in laga soo saarey in dowladihii Soomaaliya deynta ku lahaa ay muujiyeen ixtiraam ku aadan dadaalkii dheeraa ee u galeen taas oo uu sheegay inay ku muteysteen in ay qeyb ka mid ah deyntii ay ku lahaayeen Soomaaliya ka cafiyaan.

“Waxaan u hambalyeynayaa ummadda Soomaaliyeed, Madaxda Dowladda FS iyo dhamaan Hey’adaha Dowladda ee nagala qeyb qaatay barnaamijka isbadalka Maaliyadda ee IMF SMP ayuuu hadalkiisa kusoo geba-gabeeyey Wasiir Beyle.

Dowladda Soomaaliya ayaa saddexdii sano ee la soo dhaafay waxaa ay dadaal ugu jirtey sidii Soomaaliya deynta looga cafin lahaa,waxaana dhawaan Bangiga Adduunka iyo Hay’adda lacagta adduunka ay sheegeen in Soomaaliya ay gaartey heerkii deynta looga cafin lahaa.

Wadamada ku bahoobey Paris Club ayaa waxaa ay kala yihiin Australia, Austria, Belgium, Brazil, Canada, Denmark, Finland, France, Germany, Ireland, Israel, Italy, Japan, Netherlands, Norway, Russian Federation, South Korea, Spain, Sweden, Switzerland, United Kingdom iyo United States of America.


Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com