Dagaalka saaka ka bilowday Garoowe iyo Waxyeelada shacabka kasoo gaartey

Dagaalka saaka ka bilowday Garoowe iyo Waxyeelada shacabka kasoo gaartey

Garoowe: Waxyeelada shacabka kasoo gaartey dagaalka saaka ka bilowday caasimada Puntland ee Garoowe ayaa kordhaysa, Cusbitaalada Garoowe ayaa la geeyey kudhowaad 10 qof oo shacab ah oo dhaawacmay, Daljir ayaa ogaatey inay jirto dhimashada ilaa laba qof oo shacab ah.

Khasaaraha ayaa ka badan kara intan maadaama lagu dhexdagaalamay magaalo boqolaal kun oo shacab ahi ku nool yihiin, guryo badan ayay ku dhaceen xabadaha qoryaha waaweyn ee la isu adeegsadey.

Gadiid dad shacab ah leeyahay ayaa ku gubtey meelaha qaar, iyadoo aysan jirin wax adeeg dabdamis ah oo awoodi karey inuu ka qayb qaato daminta meelaha dabku ka kici karo maadaama xabadi socotey.

Goobihii lagu dagaalamay ayaa weli laga maqlayaa dhawaqa xabado googoos ah oo laga ridayo qoryaha waaweyn ee dhinacyadu isu adeegsadeen.

Weli lama tirakoobin khasaaraha ka dhashay dagaalka saaka oo mudooyinkii danbe laga cabsi qabey inuu ka qarxo magaalada Garoowe.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com