Dagaal u dhexeeya Al-shabaab & Ciidamada dowladda oo ka socda degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan

Dagaal u dhexeeya Al-shabaab & Ciidamada dowladda oo ka socda degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dgaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Ururka Al-shabaab uu kasocdo degmooyinka Buulo Burde iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalkan ayaa waxaa qaaday ciidamada dowladda oo bartilmaameedkoodu ahaa fariisin ay Al-shabaab ku lahaayeen degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan halkaas oo uu ka dhashay dagaal la isku adeegsayad hubka noocyadiisa kala duwan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa u sheegay Idaacadda ku hadasha Afka Ciidamada Qalabka sida in dagaalka ay Ciidamada xoogga dalka ku dileen 25 dagaalame oo ka yirsan Al-Shabaab.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-shabaab.
Diiwaanka wararka
Radio Daljir.com.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com