UGANDA: Wasiirkii howlaha guud iyo gaadiidka oo la weeraray

UGANDA: Wasiirkii howlaha guud iyo gaadiidka oo la weeraray

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kambala ee dalka Uganda ayaa sheegaya in dablay hubaysan ay risaaseeyey Wasiirkii howlaha guud iyo gaadiidka ee dalkaasi Gen. Katumba.

Labo qof oo midi uu yahay darawalkii Wasiir ka iyo gabar uu dhalay ayaa ku dhintay weerarkaasi, Waxaana dhaaca culus uu soo gaaray Wasiirka oo lagu dabiibayo isbitaalka dowladda.

Kooxdii weerarka fulisay ayaa goobta isaga baxsatay, ciidamada Booliskuna waxay wadaan baaritaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0