Dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan iyo khasaare ka dhashay

HomeWararka

Dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan iyo khasaare ka dhashay

Dagaal xoogan ayaa markale wuxuu ku dhexmaray degaanka Qabno oo hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan maleeshiyaadka macawiisleeyda oo garab ka

Golaha Wasiirrada oo yeeshay Kulan Aan Caadi Ahayn
Dad ku dhintay dibadbaxyo ka dhacay dalka Ciraaq
Alshabaab oo Tababar U Soo Xidhay Dagaalyahano Ajaaniib ah (Sawirro)

Dagaal xoogan ayaa markale wuxuu ku dhexmaray degaanka Qabno oo hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan maleeshiyaadka macawiisleeyda oo garab ka helaya Ciidamada dowladda & Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka macawiisleyda ay weerareen degaanka Qabno oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, waxaana dagaalka ku dhintay ilaa 8 Ruux oo dhinacyada ah halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Saraakiil katirsan Ciidamada guutada 5aad ee qeybta 27aad ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay Al-Shabaab ka saaraan degaannada u dhaxeeya degmooyinka Maxaas iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa hoggaaminaya howlgallada Ciidamada dowladda ka wadaan inta u dhaxeeysa degmooyinka Matabaan & Maxaas, iyaga oo howlgalka kula wareegay dhowr degaano oo ay maamulayeen Al-Shabaab.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: