HomeUncategorized

Dadka reer Afghanistan oo ka xumaaday tallaabada askarigii Maraykanka ahaa ee dilka ka geystay Gandahaar, dalka looga saaray.

Kabul, Mar 15 -Sharci-dejiyayaasha iyo dadka reer Afghanistan ayaa muujiyey sida ay uga xunyihiin tallaabada askarigii maraykanka ahaa ee dilka ka geystay gobolka Gandahaar loogu duuliyey dalka Kuwait.

Tartanka astaynta calanka, heesta & muunadda Puntland oo maanta ku eg, iyo halabuur door ah oo la soo bandhigay.
Guddiga Doorashooyinka Somaliya oo Tababar loogu soo Xiray Nairobi
Beledweyn oo maalintii 3-aad ay dagaallo xoogani ku dhex mareen Xisbul Islam & Ahlu Sunna.

Kabul, Mar 15 -Sharci-dejiyayaasha iyo dadka reer Afghanistan ayaa muujiyey sida ay uga xunyihiin tallaabada askarigii maraykanka ahaa ee dilka ka geystay gobolka Gandahaar loogu duuliyey dalka Kuwait.

Sharci-dejiyayaasha wadanka Afghansitan ayaa maanta oo khamiis ah dalbaday in askariga Maraykanka ah oo axaddii aan ka soo gudubnay 16 qof oo rayid ah ku dilay goblka Gandahar ee dalka Afghanistan la soo hor taago caddaaladda dalka Afghanistan, waxana xubnaha baarlamanka ee dalka Afghanistan ay ka dalbadeen xukuumadda dalkaasi in aanay Maraykanka la saxiixan heshiishka ogolaanaya in ciidamo maraykan ah ay joogitaan ku sii yeeshaan dalka Afghanistan.

Mudanayaasha baarlamanka ee dalka Afghanistan ayaa ka digay in dadka reer Afghanistan ay kacdoon sameynayaan haddii aan arrinta loo maarayn si wanaagsan oo askarigaasi maxkamad lagu saarin dalka Afghanistan.

Asakriga Maraykanka ah ee dilka ka geystay dalka Afghanistan ayaan magaciisha la shaacin, waxana Maraykanku sheegay in uu ka soo muuqandoono maxkamad Militari oo maraykan ah.

Dowladda wadanka Afghanistan ayaan wax hadal ah ka soo saarin tallaabada dowladda Maraykanka ee askriga dilka geystay looga saaray dalkaasi .

Xoghayaha difaaca ee dalka maraykanka ayaa hore u sheegay in askariga dilka geystay uu waajihikaro ciqaab dil ah haddii denbiga lagu helo , kaddib baadhitaanka .

Dilkii axadii ka dhacay goblka Gandahaar ee dalka Afghanistan ayaa sii xumeeyey xidhiidhkii Washington iyo Kabul oo beryihii ugu dameeyeyey aan wanaagsanayn.

Abdirashid Musse
Daljir, Bossaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: