Guddiga Doorashooyinka Somaliya oo Tababar loogu soo Xiray Nairobi

Sabti, Oktoobar 03, 2015 (Daljir) —Magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyey tababar howleed soconayey mudo afar maalmood ah oo looqabtay gudiga gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka Soomaaliya oo loo carbinayey gudashada qorshayaasha horyaala.

Munaasabaddii lagu soo xirayey galay safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan, xubno matalayay Hay’adaha caawiya Soomalaiya, madax katirsan xafiiska UNSOM oo howshaan fududaynayey iyo marti kale.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yarey) gudoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa sheegtay in tababarkaani uu muhiimad u lahaa gudigooda ayna ku barteen xalinta caqabadaha ka horyimaada iyo inay dalka mustaqbal wanaagsan u jeexaan.

Gudigaan oo ay magacowday dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa horay u qaadacay dowladda Puntland oo sheegtay in uusan sharciga wadanka waafaqsanayn maadaama xulitaankii xubnaha gudigaan aan wadatashi lagala samayn maamulada wadanka.

By: Abdirashid

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com