Dab 43 qof ay ku dhinteen oo ka kacay warshad kutaala dalka Hindiya

HomeWararkaUncategorized

Dab 43 qof ay ku dhinteen oo ka kacay warshad kutaala dalka Hindiya

Dab xoog badan ayaa ka kacay Warshad ku taala caasimadda Dalka Hindiya ee New Delhi maanta oo Axad ah. Khasaare isugu jirtay dhimasho, dhaawac iyo

Xukuumadda isbahaysiga ee Giriiga oo ku guuldaraysatay meelmarinta qorshaha kharash-dhimista ee cusub
DHEGEYSO-Warkii Duhurnimo ee Daljir iyo Xuseen Madar.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Khadar Cawl Ismaciil.

Dab xoog badan ayaa ka kacay Warshad ku taala caasimadda Dalka Hindiya ee New Delhi maanta oo Axad ah.

Khasaare isugu jirtay dhimasho, dhaawac iyo mid maaliyadeed ayaa ka dhashay dabka.

Warshadda ayaa soo saaraysay boorsada gacanta lagu qaato.

Inta la ogyahay waxaa ku dhintay 43 qof, halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.

Inta badan dadka ku dhintay dabka, waxa ay ka soo jeedeen gobolka Bihar ee Bariga Dalka Hindiya, iyadoo maalintii lacag ahaan u qaadan jiray 150 rupees oo u dhiganta ($2)

Dabkan ayaa noqonaya kii labaad ee ugu khasaaraha badnaa,tan iyo sanadkii 1997,kadib markii dab ka kacay Wershad ay ku dhinteen 59 qof.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: