Xukuumadda isbahaysiga ee Giriiga oo ku guuldaraysatay meelmarinta qorshaha kharash-dhimista ee cusub

Athens,Feb 9 -Reysalwasaaraha dalka Giriiga Lucas Papademos ayaa ku fashilmay in uu helo taageerada xukuumadiisa isbahaysiga ah, si uu u sii riixo tallaabooyin cusub oo lagu dhaqangelinayo hanaanka gunti-giijiska ee lagu tashiilayo kharashaadka dowladda,waxana guuldaradani imanaysaa iyadoo 7 saacadood ay wadahadal lahaayeen saraakiisha xukuumada wadaaga ah ee dalkaasi Giriiga.

Reysalwasaaraha Giriiga ayaa la kulmay saraakiil ka socotay saddexda xisbi ee sameeyey dowladda wadaaga ah ee dalkaasi ,waxana qorshuhu ahaa in la meelmariyo tallaabooyin cusub oo gunti-giijis ah, si loo helo lacag samata-bixin ah.
Wararka laga helayo shirka axsaabta xukuumadda wadaaga ah ee dalka Giriiga ayaa sheegaya in la isku mari waayey dhinaca dhimista lacagta la siiyo dadka hawlgabka ah.

Wasiirka maaliyadda ee dalka Giriiga Evangelos Venizelos ayaa lagu wadaa in uu u safro magaalada Brussels si uu halkaasi ugula kulmo wasiirada maaliyadda ee dalalka isticmaala lacagta Euro-da ee loo yaqaan Eurozone,waxana shirkaasi uu furmayaa galabnimada khamiista berito.

Dadka la socda arimaha dalka Giriiga ayaa sheegaya in cadaadis badan uu saaranyahay hogaamiyayaasha siyaasada ee Giriiga , si ay u gaadhaan heshiish ka hor shirka magaalada Brussels.
Qorshaha gunti-giijiska ah ee cusub ayaa xanbaarsana in la dhimo mushaharaadka 20%, islamarkaana shaqada laga fadhiisiyo shan iyo toban kun oo shaqaalaha dowladda ah,iyadoo hoos loo dhigayo lacagaha la siiyo dadka hawlgaba.

Abdirashid Musse
Daljir Bosaso.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com