Mareykanka Iyo Iran oo Maxaabiis Isweydaarsaday

Dowladda Iran ayaa siideysay maxbuus asalkiisu yahay Chine, balse heysta dhalashada dalka Mareykanka.

Maxbuuskan ayaa lagu magacaabaa Xiyue Wang , waxaana la xiray sanadkii 2016, xili uu ku sugnaa Iran, iyadoo looga shakiyey jaajuusnimo.

Dowladda Iran ayaa maxbuuskan ku bedelatay nin Saynisyahan ah oo dalkeeda ka soo jeeda, kaasi oo lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Chicago sanadkiii la soo dhaafay.

Massoud Soleimani ayaa dowladda Mareykanka ku eedeesay in uu qalab u dhoofinayey Iran,balse iska fogeeyey eedeyntaasi.

Mr Wang ayaa diyaarad qaas ah ka soo qaaday magaalada Tehran, waxa uuna ku soo wajahan yahay magaaladaa Zurich, si baaritaan caafimaad loogu sameeyo, kadib waxa u dhoofi doonaa dalkiisa hooyo

Xiriirka maxaabiis isweydaarsiga ah ee dhexmaray Mareykanka iyo Iran, waxaa garwadeen ka ahayd dowladda Swisszerland.

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com