Cumar Cabdirashiid: “Ra’iisul Wasaare Rooble waa in uu magacaabaa guudi baaris ku sameeya kiiska Ikraan Tahliil”

HomeWararka

Cumar Cabdirashiid: “Ra’iisul Wasaare Rooble waa in uu magacaabaa guudi baaris ku sameeya kiiska Ikraan Tahliil”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ku baaqay in la magacaabo guddi baaritaan oo ka sal-gaara dilkii loo ge

Midowga Yurub oo Ka Shiraya Xaaladda Soomaaliya
Xeer ilaaliyaha Qaranka oo diiday Go’aankii Maxkamadda Gobalka Banaadir
Warka Maanta ee maalinka JIMCAHA iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ku baaqay in la magacaabo guddi baaritaan oo ka sal-gaara dilkii loo geystay Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

“Waa war aad looga naxo inaan maqalnay dilka Ikram Tahliil. Allah ha u naxariisto oo ha siiyo Jannah Fardousa” ayuu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray Cumar Cabdirashiid, isagoo intaas ku daray “Waxaa lagama maarmaan ah in Ra’isul Wasaaruhuu, isagoo tixgalinayaa kiiskan inuu magacaabo guddii ay ku jiraan dhammaan hay’adaha ku shaqada leh, loonaa xilsaaro inay ka gungaaraan xaqiiqada dhabta ah ee arrintan daahsoon”

Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay dileen Ikraan Tahliil Faarax, oo aheyd gabar ka tirsan hay’adda oo la la’aa tan iyo 26-kii June, saacado kadib markii ay VOA shaacisay xogtan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: