Xeer ilaaliyaha Qaranka oo diiday Go’aankii Maxkamadda Gobalka Banaadir

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo warbaahinta goor-dhaw la hdlay ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aanka Maxkamadda Gobolka Banaadir ku siideysay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ay soo qabtay Ciidamada amaanka Soomaaliya.

Xeer-ilaaliyaha ayaa sheegay in Dacwad oogayaasha ay Racfaan qaateen islamarkaana Maxkamadda isku ogaayeen hassa-yeeshee uu go’aanka Maxkamadda ka dambeeyay taasna aysan aqbali doonin.

Maxkamadda Gobolka ayaa sheegtay in xeer ilaalinta ay ku fashilantay in ay keento caddeyn ku filan dacwadda Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame,waxaana ay fasaxday siyaasiga iyada oo go’aankeeda raacisay in uusan jirin racfaan laga qaadan karo xukunka.

Waayo cusub oo siyaasadeed ayaa ka bilaawday magaalada Muqdisho waxaana hada la dhowrayaa in ay Dacwad furtaan Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur warsame iyo Taageerayaashiisa.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com