Ciyaaryahankii hore ee xulka Argentina Diego Maradona oo geeriyooday

HomeWararka

Ciyaaryahankii hore ee xulka Argentina Diego Maradona oo geeriyooday

Ciyaaryahankii hore ee xulka Argentina Diego Maradona oo ka mid ahaa ciyaaryahanadii ugu caansanaa ee caalamka soo maray ayaa ku geeriyooday gurigiisa

MAANHADAL: Shirka Wadatashiga Puntland iyo Jubbaland (dhegayso)
Puntland iyo Somaliland oo soo bandhigay kisaas cusub oo Covid-19 ah
Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Bosasso (dhegayso)

Ciyaaryahankii hore ee xulka Argentina Diego Maradona oo ka mid ahaa ciyaaryahanadii ugu caansanaa ee caalamka soo maray ayaa ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaal magaalada Buenos Aires.

Maradona oo ahaa lixdan sano jir ayaa qalliin loogaga sameeyay maskaxda horaantii bishan waxaana laga daweynayay isagoo qabatimay cabida alkoolka.

Diego Maradona ayaa ahaa kabtankii xulka Argentina oo ku guuleystey koobkii adduunka sanadkii 1986,isagoo gacanta ku dhaliyay gool kulankii Rubac dhamaadka ee xulka England.

Madaxweynaha dalka Argentina Alberto Fernandez, ayaa ku dhowaaqay baroordiiq saddex maalmood ah.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: