Hay’adda FAO oo sheegtay inay yaraatay xawaaraha dufaanta GATI

HomeWararka

Hay’adda FAO oo sheegtay inay yaraatay xawaaraha dufaanta GATI

Hay’adda FAO ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Beeraha iyo cunada ayaa sheegtay in ay iminka daciiftay oo ay tabar dareysay duufaanta GATI ee xeebaha b

Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
LAASCANOOD: Aqoonyahan Cabdixaafid oo ka haddlay gardaradda & dulaanka Somaliland
Warka Caweysin iyo Xaawo Axmed Maxamed, Daljir Garoowe (dhegayso)

Hay’adda FAO ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Beeraha iyo cunada ayaa sheegtay in ay iminka daciiftay oo ay tabar dareysay duufaanta GATI ee xeebaha bari ee Soomaaliya ku dhufatay 22 bishaan November.

Duufaanta ayaa xawaaraheedu yaraaday 12-saac ee la soo dhaafay, iyada oo dhanka waqooyi galbeed u jiheysatay.

Warbixinta ay hay’adda FAO soo saartay ayaaa lagu sheegay in roobab xoogleh oo la xiriira duufaanka ay da’i doona illaa 26 November 2020.

Saameynta duufaanta ay deegaanka u geysatay ayaa weli jirta sida FAO tilmaantay.

Dhanka Somaliland waxay sheegtay in baddu weli kacsan tahay, isla markaana aan la isku haleyn karin in laga kalluumeysto.

Sidoo kale dhanka Somaliland waxaa la saadaalinaya roobab dhex dhexaad ah sadaxda cisho ee soo socota ka da’i doono deegaannada maamulkaas.

Dhinaca Puntland ma jiraan roobab la faliyo in ay hooraan sida warbixinta lagu sheegay.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: