Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ka wada degaan ay la wareegeen

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ka wada degaan ay la wareegeen

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya xooggaga deegaanka oo shalay la wareegay deegaanka Ceel Muluq ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa saaka ka wada howlgallo kala duean.

Degaanka oo dagaal la’aan lagula wareegay ayaa saaka Ciidamadu ay ka wadaan howlgallo ay ku baarayaan Guryaha iyo gaadiidka noocyadooda kala duwan ee soo galaya degaanka iyo kuwa ka baxaya.

Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay xaaiijinta Amniga, sidoo kalena ay sii wadi doonaan ilaa iyo inta ay kala wareegayaan degaanka Runilgood ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waxaa jira dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo kale oo ka socda degaano kale oo katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyada oo Ciidamada dowladda ay doonayaan inay Al-Shabaab kala wareegaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com