Ciidanka Kenya oo dilay nin lagu tuhunsanyahay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab

HomeWararka

Ciidanka Kenya oo dilay nin lagu tuhunsanyahay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidanka Police-ka Kenya ayaa dilay nin loogu shakisanaa inuu yahay Al-Shabaab iyo laba carruurtiisa ah oo uu gabaad ka dhiganayey halka afar kale oo

Madaxwaynaha Soomaaliya oo darajooyinkii ciidamada ka qaaday sarkaal katirsanaa NISA
Madaxweynaha Kenya oo Qaadacay Go’aankii Maxkamadda Sare Ku Diidey Guushiisa
Somalia: Farming town forced into isolation, following floods

Ciidanka Police-ka Kenya ayaa dilay nin loogu shakisanaa inuu yahay Al-Shabaab iyo laba carruurtiisa ah oo uu gabaad ka dhiganayey halka afar kale oo ay ku jirta xaaskiisa dhaawac ku soo gaaraay hawl-gal gurigiisa lagu qaaday xalay, kaasi oo ku yaala deegaanka Kwale oo dhaw Mombasa.

War-gayska Daily Nation ee ka soo baxa dalkaasi ayaa sheegay in ninkan lagu magacabi jiray Maxamed Mapenzi uuna la dagaalamay Police-ka ka hor inta aysan khaarijin isaga.

“Maadaama ay saraakiisha ciidanka isu diyaarinayey in ay u dhacaan guriga laga shakisanaha, waxa uu durbadiiba furay albaabka waxa uuna soo tuuray garneel(hub) taasi mid kamida dhaawac ka soo gaaray”, Sidaas waxa lagu yiri warbixinta Police-ka oo ay aragtay Jariirada.

Warkan waxa uu intaasi ku darayaa in 3-dex carruur iyo hooyadood oo dhaawaca la dhigay cusbitaal.

Dilka ninkan lagu tuhunsanaa kooxda argagixisada Al-Shabaab ayaa imaanaya bil kadib markii ay sidan oo kale laba nin oo loogu shakiyey Al-Shabaab-nimo lagu dilay deegaanka Kwale iyo Likoni oo dhanka xeebta dalkaasi dhaca.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: