Ciidanka dowladda & kuwa Galmudug oo sameeyay howlgal ka dhan ah xoogaga Ahlusunna

HomeWararka

Ciidanka dowladda & kuwa Galmudug oo sameeyay howlgal ka dhan ah xoogaga Ahlusunna

Ciidamada Qalabka sida ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysnaa ka sameeyay Deegaanka Miira-cad oo ku dhaw fariisinkii xoogaga

Xulashada Daljir iyo Ayaanle Cabdullaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Xadhiga ka Jaray Dugsiga Sare ee Al-Xikmah ee Magalada Garoowe.

Ciidamada Qalabka sida ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysnaa ka sameeyay Deegaanka Miira-cad oo ku dhaw fariisinkii xoogaga Ahlusunna ku leeyihiin degaanka Bohol ee Gobolka Galgaduud.

Saraakiil katirsan Ciidanka howlgalka sameeyay ayaa sheegay inay howlgalka ugu suurto gashay inay qabtaan mid kamid ah Gaadiidka dagaalka oo ay wateen xoogaga Ahlusunna.

Saraakiishu ma sheegin khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed ee ka dhashay howlgalka, waxaana haatan degaanka Miira-cad ku sugan Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

Degaanka Bohol oo katirsan Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay farrsin wyen u aheyd hoggaamiyeyaasha xoogagga Ahlusunna, waxaana dhwor jeer ay weeraro kaga soo qaadeen Magaalada Dhuusmareeb iyo degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Wararkii ugu dambeeyay eenaga soo gaaraya degaannada u dhaxeeya Magaalada Dhuusamareeb iyo degmada Guriceel ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah xoogagga Ahlusunna Waljamaaca.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: