Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Xadhiga ka Jaray Dugsiga Sare ee Al-Xikmah ee Magalada Garoowe.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Xadhiga ka Jaray Dugsiga Sare ee Al-Xikmah  ee Magalada Garoowe.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 27 Feb 2018 magaalada Garoowe xadhiga kaga Jaray Dugsiga sare ee AL-Xikmah oo ay si wadajira udhiseen dawladda Puntland iyo Dawladda Jordan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa ku wehelinayey xafladda xadhig jarka Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Abshir Aw yuusuf Ciise iyo Wasiir ku xigeenka waxbarashada Maxamed Cali Faarax wasiiru Dawlaha Wasaarada Waxbarashada, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, ardayda iyo macalimiinta dugsiga sare Al-Xikmah , waalidiin iyo marti sharaf kale.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu mid-mid u galay fasalada iyo xafiisyada uu ka kooban yahay dugsiga sare ee Al-Xikmah, islamar ahaantaana waxa uu madaxweynuhu mid-mid u gacan qaaday ardayda dugsiga sare AL-Xikmaha, kuwaas oo wajiyadooda laga dheehanayey farxad iyo rayn raynta ay u qabaan booqashada uu Madaxweynahada dawladda Puntland ugu yimi maanta.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadii xadhigjarka ayaa tilmaamay sida loogu baahan yahay in kor looqaado aqoonta jiilka soo koraya isagoona madaxweynubhu sheegay,

“waxaa maanta farxad weyn ii ah inaan idin kala soo qayb galo xafladan sida wanaagsan loo soo agaasimay ee aynu ku furayno iskuulka Al-xikma oo sanad ka hor aan dhagax dhignay, waxaan u mahdcelinayaa maamulka iskuulka iyo dawladda Jordan oo qayb wanaagsan ka qaatay dhamaystirka mashruucan, waxay ka mid tahay guulaha isku tashiga iyo wadashaqaynta dhow ee ay lee yihiin dawladda iyo shacabka Puntland, hadaba maanta waxaan idinkula dardaarmayaa in aad sii xoojisaan horumarinta waxbarashada iyo wanaajinta iyo kobcinta ardayda iyo jiilasha soo koraya,kuwaas oo noqon doona hogaamiyeyaasha berrito, ayuu yudhi madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas”

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka reer Puntland ugu baaqay in laga wada qayb qaato horumarka iyo halganka Puntland lagu gaadhsiinayo dawladdaha hore umaray gaar ahaana kor uqaadida waxbarshada Puntland oo dawladda Puntland xooga saari doonto inay ahaato waxbarashadu mid hore umarsan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0