Maamulka Hir-Shabeelle oo qeylo-dhaan kasoo saaray Abaaraha

Maamulka Hir-Shabeelle oo qeylo-dhaan kasoo saaray Abaaraha

Kusimaha Madaxweyanaha ahna Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Mahad Xasan Cusmaan ayaa sheegay in Abaara baahsan xilligaan ay kajiraan deegaannada Dowlad Gobolkeedka Hir-Shabeelle, isla markaana degaano badan laga soo sheegayo xaalado Adag oo dhanka Nolosha ah.

Haa’yadaha Gargaarka Iyo Dowladda federaalka ayuu ugu baaqay in si gaar ah isha loogu haayo Dadka ay Abaaruhu saameeyen Gaar ahaan Dowlad Gobolkeedka Hir-Shabeelle.

Kusimaha Madaxweyanaha Hir-Shabeelle ayaa sheegay in degaano katirsan Gobolka Hiiraan xilligaan Macluul ay soo wajahday, Isla markaana qoysas kasoo barakacay Baadiyaha ay gareen Magaalada Beledweyne iyo degaannada hoosyimaada ayna u baahan yhiin Gargaar bila”aadinmo sida ugu dhaqasiyada badan in lala Gaaro

Ugu dambeyn ka Maamul Hir-Shabeelle ahaan ayuu sheegay inay dadka ay abaartu saameysay ay dejin doonaan meelo ay Gabaad ka dhigtaan Hayeeshee baahida baaxada leh ee Dadkaas aysan kaligood ku filneyn.

Degaano badan oo kuyaalla Koonfurta iyo Bartmaja Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan kajirta abaar baahsan, halka meelaha qaar uu roob ka d’ay, waxaana dowladda Soomaaliya iyo Maamulada dalka ay ka gaabiyeen u gurmashada dadka ay saameeysay abaarta.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com