Ciidanka DFS oo gacanta ku dhigay Xubno ka tirsan Alshabaab

Ciidanka DFS oo gacanta ku dhigay Xubno ka tirsan Alshabaab

Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ayaa waxaa ay howlgallo ka sameeyeen deegaanka Shalaanbood oo kamid ah deegaannada hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha Ururka 14aad ee Guutada 14 october Dhamme Cisman Muuse Maxamed oo la hadlay Warbaahinta Dowladda yaa sheegay in intii ay howlgalka ku guda jireen ay kusoo qabteen rag lala xiriirinayo in ay ka tirsanyihiin Al-Shabaab oo qaarkood looga shakiyay in ay ku howlanaayeen falal amniga lid ku ah.

Taliyaha waxaa hadalkiisa uu intaasi ku daray in u jeedka howlgalka uu ahaa mid Amniga lagu xaqiijinayo,isla markaana lagu baadi goobayay Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidanka Dowladda ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo ka wadeen deegaannada Xeebta ah ee hoostaga Magaalada Marka ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com