Jabuuti oo ugu horreeya dalalka Bariga Afrika Kiisaska ugu badan Coronavirus

Jabuuti oo ugu horreeya dalalka Bariga Afrika Kiisaska ugu badan Coronavirus

Dowladda Jabuuti ayaa shaacisay kiisas hor leh oo cudurka Coronavirus COVID-19, waxaana la diiwaan geliyay 15 kiis oo cusub.

Kiisaska cusub ayaa ka dhigan in tirada dadka uu soo ridanayo cudurkaas uu sare u sii kacayo, waxaana haatan Jabuuti ugu horreysaa dalalka bariga afrika.

Tirada guud ahaan Kiisaska Coronavirus ayaa gaareysa 1,023 qof, waxaana Jabuuti ay noqoneysa dalka ugu badan ee cudurkan uu ku dhacay wadamada Bariga Afrika.

Labo qof oo kaliya ayaa illaa iyo hadda la diiwaan geliyay inay u dhinteen cudurkan Coronavirus.

Inta badan tiradan waxaa ku jira dad ajaaniin ah oo aan u dhalan dalka Jabuuti, waxaana la qiyaasayaa inay ku jiraan Ciidamada ajaaniibta ee ku sugan dalkaas.

Illaa iyo hada waxaa guud ahaan dalka Jabuuti ka jira bandow lagu xanibay dhaq dhaqaaqyada iyo goobaha la isku yimaado.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com