HomeUncategorized

Ciidanka ammaanka Garowe oo qabtay maandooriye, iyo xukunno kale duwan oo lagu xukumay.

Caption ...

Kalfadhiga g/ deegaanka degmada Garoowe oo maanta furmay iyo waxqabadkii sanadka oo la soo gudbiyey
Puntland oo soo dhaweysay hawlgallada amni ee gobollada dhexe & soo gelitaanka Itoobiya ee Beladweyn.
Baahin: Khamiis, Dec 15, Khadar Cawl ~ Daljir ~ Buuhoodle. Odayaasha dhaqanka ee koonfurta Mudug oo ka hadlay amniga gobolka, kuna baaqay is-kaashi; Maamulka gobolka Cayn oo ku eedeeyey Somaliland faragelin siyaasadeed, digniinna u diray; Khilaafka mudanayaasha baarlamaanka federaalka oo sii laba-kacleeyey; Afhayeen Shariif Xasan oo ku gacan-sayray xilka qaadista.

Garowe, Janu, 24 ? Hawl-galo is-dabajoog ah oo habeennadii ugu dambeeyay ay gudaha magaalada Garowe ka sameeyeen hay?adaha nabad-galyada ee caasumada ayaa waxay siyaabo kale duwan u soo qab-qabteen tiro dad ah, kuwaasoo qaar lagu soo qabtay maandooriyaha Khamriga, halka kuwa kalena lala xiriirinayo arrimo amni.

Shir-jaraa?id oo ay si wadajir ah maantay Garowe ugu qabteen taliyaasha saldhigyada Garowe iyo kaantaroonka galbeed ayaa waxay si qeexan uga warameen baaxada hawl-galka ciidanku ay sameeyeen.

Masuuliyiinta ayaa shaaca ka qaaday in eedaysanayaashaasi ay u gudniyeen hay?adaha garsoorka ee Garowe, isla markaana lagu xukumay xukunno isugu jira xarig iyo ganaax.

Hawl-galada lagu adkaynayo ammaanka caasumada ayaa ahaa muddooyinkii ugu dambeeyay kuwo isi-soo tarayay tan iyo wixii ka dambeeyay markii Garowe si isdaba joog ah loogu qabtay shirar Soomaaliyeed oo heer Qaran ah.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir Garowe.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: