Kalfadhiga g/ deegaanka degmada Garoowe oo maanta furmay iyo waxqabadkii sanadka oo la soo gudbiyey

?

Garoowe,17,March 2013 Kalfadhigii 14-aad ee golaha deegaanka ?degmada Garoowe ayaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta gobolka Nugaal ?ee magaalada ?Garoowe iyadoo lagu soo bandhigay waxqabadkii maamulka degmada Garoowe.

Kalfadhigaan ayaa waxaa soo xaadiray inta badan xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Garoowe,waxaana goob joog ahaa wasiir ku xigeenka arimaha gudaha iyo dawladdaha Hoose ee Puntland Maxamuud Maxamed Sh, Ibraahim, duqa degmada Garoowe, C/casiis Nuur Cilmi (Koor) gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi xirsi Cali (Qarjab) iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka arimaha gudaha iyo dawladdaha Hoose ee Puntland maxamuud Maxamed Sh, Ibraahim ayaa si wayn ugu mahad celiyey waxqabadka masuuliyiinta degmada Garoowe isagoo xusay wada shaqaynta iyo khilaaf la?aanta maamulka degmada iyo golaha deegaanku inay saldhig u tahay guulaha laga gaarey wax qabadka degmada.

Duqa degmada Garoowe C/casiis Nuur Cimi (Koor) ayaa sheegay in sanadkii 2012 la qabtay arimo badan oo muhiim ah kuwaas oo ay ka midyihiin dhismayaal,wadooyin,boya xireeno iyo deegaamayn cusub oo ?loo sameeyey ?dadka barakacayaashaa oo illaa hada loo dhisay 1,100 guri kuwaas oo badankooda haatan si rasmi ah loo deganyahay.

Dhinaca kale gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa sheegay in ay maamulka gobolka iyo kan degmadu iska kaashanayaan arimaha ammaanka,nadaafada, iyo horumarinta arimaha bulshada ee degmada Garoowe,waxaana uu intaas ku daray in? bulshada looga baahanyahay inay muujiyaan doorkooda islamarkaana la shaqeeyaan maamulka si loo gaari horumar ayuu yiri gudoomiye (Qardjab).

Kalfadhigaan golaha deegaanka ee degmada Garwwe ayaa ka duwanaa kalfadhiyadii hore iyadoo looga hadlay arimo badan oo isugu jira wax qabadkii sanadkii inna dhaafay ee 2012 iyo waxyaabaha u qorshaysan in la qabto sanadkaan 2013, iyadoo madaxdii ka soo qaybgashay ay si wayn ugu bogaadiyeen wax qabadka masuuliyiinta degmada Garoowe.

Diiwaanka wararka Daljir.

(C,X.)

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com