Ciidamo u dhashay Ugandha oo Billado lagu abaalmariyey

HomeWararka

Ciidamo u dhashay Ugandha oo Billado lagu abaalmariyey

50 Sarkaal oo u dhashay dalka Uganda oo la shaqeynayey Hawlgalka AMISOM ayaa shalay lagu abaalmariyey Billado kaalintii ay ka qaateen Dib-u-soo-celint

Mareykanka oo soo dhoweeyay heshiiska dowladda iyo Ahlusuna
Dowladda oo dib ula wareegtay degmadda Balcad oo xalay shabaab qabsadeen
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii Hore ee Somaaliya oo Fariin soo diray (Daawo)

50 Sarkaal oo u dhashay dalka Uganda oo la shaqeynayey Hawlgalka AMISOM ayaa shalay lagu abaalmariyey Billado kaalintii ay ka qaateen Dib-u-soo-celinta Hawlaha Ammaanka iyo Nabadda ee Somaalia.

Taliyaha Ciiddanka AMISOM, Jeneral Tigabu Yilma Wondimhunegn oo ka hadlay Munaasbaadda lagu abaalmarinayey Saraakiishaasi waxa uu ku ammaanay sida daacadda leh ee ay uga shaqeeyeen Nabadda iyo Ammaanka ay ku naalloonayaan dadka iyo Dowladda Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.

Si kastaba ha ahaatee, Saraakiisha AMISOM ee in ka badan 6 bilood ka shaqeeya Xarumaha dhexe ee AMISOM  waxaa lagu abaal-mariyaa  Billaddaha Ururka Midowga Afrika  ee lagu xaqiijinayo hawshooda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: