HomeUncategorized

Ciidamo taabacsan dawladda Soomaaliya oo qabsaday degmada Luuq. [Akhris …]

Luuq, Aug 19 - Ciidamo xooggan oo taabacsan dawladda federaalka ah ee Somaliya ayaa saakay waabarigii la wareegay gacan ku haynta degmada Luuq ee gob

Ethopia oo balan-qaaday heshiis ay dhex-dhigayso Puntland iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya
Baahin: Salaasa, Feb 22, Weriye Axmed Jookar … Nabadoonada Bari oo ku baaqay in la joojiyo colaadda gobolka Cayn, uguna baaqay Somaliland in ay ka baxdo gobollada Sool & Cayn …Col. Indhayare oo ka dayriyey cawaaqibka dagaallada gobollada Cayn …M/weyne ku xigeenka Puntland oo dhagax dhigay xarunta dhaqanka & horumarinta afka hooyo … Qurbajoogta Puntland ee dalka Yemen oo dhalleeceeyey dagaallada gobolka Cayn, tageerayna mawqifka dawlada Puntland …
Dowladda Japan oo Soomaaliya u fidinaysa taageero isugu jirta la-talin iyo waxqabad kala duwan

Luuq, Aug 19 – Ciidamo xooggan oo taabacsan dawladda federaalka ah ee Somaliya ayaa saakay waabarigii la wareegay gacan ku haynta degmada Luuq ee gobolka Gedo, oo in muddo ah ay gacanta ku hayn jireen ciidamada ururka Xisbul-Islaam.

Lawareegidda demada Luuq ee ay gacanta ku dhigeen ciidamada taabacsan dawladda KMG ah ee Soomaaliya, ayaa la sheegayaa in aan wax dhiig ah ku daadan oo ay si nabad-galyo ah kula wareegeen degmadaasi, lamana garanayo halka ay u baxsadeen ciidamadii Xisbul-Islaam ee gacanta ku hayey degmada Luuq.

Ciidanka saakay la wareegay degmada Luuq ee gobolka Gedo, ayaa ahaa ciidamo in muddo ah taba-barro ku qaadanayey deegaanka doolow ee is maamulka Soomaalida Ethiopia waxayna horay u ahaayeen ciidamadii maamulladii ka talin jiray degmooyinka gobolka Gedo ka kooban yahay iyo waliba kuwii gobollada Baay iyo Bakool, intii aysan la wareegin kooxaha Islaamiyiinta ahi.

Guddoomiyaha gobolka Gedo ee dawladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Kaliil, lana socday ciidanka saakay qabsaday degmada Luuq oo waraysi siiyey idaacadda Daljir ayaa sheegay si nabdoon in ay ula wareegeen degmadaasi haatanna xaaladeedu ay tahay mid deggan oo aysan ka jirin wax dareen colaadeed ah.

Guddoomiyuhu waxaa uu sheegay in muddo in ay ku howllanaayeen sidii gobolka Gedo gacanta dawladda ugu soo laaban lahaa, taasna haatan ay wax badan ka qobsoomee, wuxuuna intaasi ku daray qorshahoodu in uusan ku koobnayn degmadaasi oo kaliya laakiin ay tagi doonaan dhammaan degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Gedo iyo gobollada kala ee dariska la ah.

Md. Kaliil, waxaa ka codsaday bulshada degmada Luuq iyo dhammaanba kuwa Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan ciidanka kana hortagaan cidkasta oo diidan nidaam dawladeed in laga hirgaliyo Soomaaliya.

Qabsashada degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa ku soo beegmaysay xilli dhawaan dariiqada Ahlu-sunna Waljameeca ay la wareegtay gacan ku hayanta degmada Beled-xaawo, oo iyana ka tirsan gobolkaasi, waxaana dariiqadaasi lagu tiriyaa in ay gacansaar hoose la leeyiihiin dawladda KMG ah ee Soomaaliya ee hadda ciidamada taabacsan la wareegeen Luuq.

C/fitaax Cumar Geeddi,
Idaacadda Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: