Dowladda Japan oo Soomaaliya u fidinaysa taageero isugu jirta la-talin iyo waxqabad kala duwan

Tokyo, August 26, 2013 – Dowladaha waa weyn ee Japan iyo USA ayaa iska kaashanaya taageerada Soomaaliya oo markan ah mid isugu jirta la-talin iyo waxqabad, sidaasi waxaa lagu shaaciyey wargays ka soo baxa dalka Japan.

Ra?isal wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa sheegay in dowladdiisa ay mar kasta garab istaagi doonto dowladda Soomaaliya, wuxuu mr. Abe sheegay in ay ka caawin doonaan dowladda in ay kala shaqeeyaan caqabadaha hortaagan ee mudan in la iska duwo.

Wargeyska The Japan Times ayaa soo weriyey in ra?isal wasaaraha Japan uu balan-qaaday in ay ka go?an tahay in dowladdiisa ay ka qeyb qaadato cirib goynta, kooxaha Al-shabaab iyo Burcad-badeeda oo ah kuwa ay dowladda Japan u aragto caqabad hor-taagan horumarka Soomaaliya.

?Soomaaliya waxay mudan tahay in lala wado horumarka ay ku talaabsatay mudo gaaban,runtii haa,? waa loo baahan yahay taas, ?laakiin Soomaali kaligeed wax ma qabsan karto, caawinaad ayay u baahan tahay?,ayuu yiri Abe.

Ra?isal wasaaraha Japan ayaa hadalkaas ka yiri kadib kulan uu la qaatay sarkaal dhinaca badda u qaabilsan Maraykanka, labbada masuul ayaa ka wadda arrinsaday sidii dowladda Japan ay kaalin weyn uga noqon lahayd howgalka ka socda badda Soomaaliya

Shinzo Abe ra?isal wasaaraha Japan iyo xubno ka tirsan dowladiisa ayaa waxaa safar uga socdaa dalalka Carabta, waxaana la filayaa in ra?isal wasaaruhu uu dhowaan soo gaaro Jabuuti, halkaas oo uu u tegeyo arrimaha Burcad badeeda iyo sidii loo soo afjari lahaa.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com