Ciidamo la wareegay Tarminalka Garoonka Diyaaradaha Beledweyne

Ciidamo la wareegay Tarminalka Garoonka Diyaaradaha Beledweyne

Ciidamo ka tirsan Boolis Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle balse sigaar ah uga amar qaata Madaxweyne kuxigeenka Maamulkaas Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa Maanta si awood ah ku furay kulana wareegay tarminalka garoonka Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne, kaas oo shalay la xiray.

Saraakiisha Shirkadda Whitestar oo ah midda dhistay Tarminalka Garoonka ayaa sheegay in dhamaan Shaqaalahoodii banaanka loo soo saaray, isla markaana Maanta wax Shaqo ah ka socon Xafiisyada Tarminalka Garoonka Diyaaradaha Beledweyne.

Maalik Abdalla oo ah Maamulaha Shirkadda Whitestar ayaa Warbaahinta u sheegay in howlaha ka socda garoonka Diyaaradaha Beledweyne uu yahay boob maadaama shalay Tarminalka Garoonka ay xireen madaxda Hir-Shabeelle Maanta ay xoog ku fureen, wuxuna Bulshada ugu baaqay in laga hortago xoog sheegashada.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle iyo Madaxda Shirkadda Whitestar ayaa waxaa uu yahay mid salka ku haaya arrimo dhaqaale, iyada oo Maalintii labaad oo xiriir ah uusan Shaqeyn Garoonka diyaaradaha Beledweyne.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com