Al-shabaab oo la wareegtay degmada Matabaan

HomeWararka

Al-shabaab oo la wareegtay degmada Matabaan

Xubno katirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab ayaa Maanta waxaa ay si nabadgalyo ah kula wareegeen degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Aqoonyahan Ismaaciil Qodax oo falaanqaynaya siyaasadda Gobolka Soomaalida ee Itoobiya (Daawo)
DFS oo ku baaqday in la joojiyo colaad beeleedyada ka socda gobollada dhexe
Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)

Xubno katirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab ayaa Maanta waxaa ay si nabadgalyo ah kula wareegeen degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Degmada Matabaan ayaa waxaa gacanta ku haayay Ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug iyo maleeshiyaad tiro yar , balse la sheegay inay isaga baxeen markii ay kusoo dhawaadeen Al-Shabaab.

Shalay Al-Shabaab waxaa ay la wareegeen deegaannada Bacda iyo Beergadiid oo hoos taga degmada Matabaan, iyaga oo aan wax iska caabin ah kala kulmin Ciidamadii ku sugnaa.

Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan balse Maamul ahaan hoostagta Galmudug ayaa waxaa dhowr jeer isku bedbedelay Ciidamada Galmudug iyo xoogaga Ahlusunna, waxaana taliyaha Booliska degmada Matabaan dhawaan si KMG ah loogu Magacaabay Taliyaha Booliska Guriceel.

Madaxda Maamulka Galmudug iyo Saraakiisha Ciidamada qeynta 27aad ayaan weli ka hadlin la wareegitaanka Ururka Al-Shabaab ee degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0