Ciidammada ammaanka oo helay meydka ninkii weerarka ka geystay Jarmalka.

HomeWararka

Ciidammada ammaanka oo helay meydka ninkii weerarka ka geystay Jarmalka.

Howlgal ay sameeyeen Ciidammada Booliska Magaalada Hanau ee Gobolka Hessen oo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyey weerarkii ka dhacay Magaaladaa

Warka DDM iyo Wariye Xaawo Axmed Maxamed Garoowe (Daawo)
Xukuumadda Soomaaliya oo Ka Hadashay Wada Hadalada Galmudug iyo Ahlusuna
Dhallinyarada Wajaale oo bulshada ka wacyigalinaya COVID-19

Howlgal ay sameeyeen Ciidammada Booliska Magaalada Hanau ee Gobolka Hessen oo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyey weerarkii ka dhacay Magaaladaas ayaa waxaa ay kusoo heleen meydka nin lagu tuhmayo in uu geystay toogashadii dadka lagu diley ee ka dhacday Magaalada Hanau.

Sida wararka ay sheegayaan 8 Qof ayaa lagu dilay Baar ku yaala Magaalada Hanau ee galbeedka Jarmalka, halka Shan kale lagu dhaawacay weerarkaas.

Boolisku waxa ay intaa ku dareyn in isla Goobtaas ay ka heleen Qof kale oo isna Mayd ah.

24-kii Bishii Janaayo ee sanadkii hore ayaa sidan oo kale dalkaasi lagu dilay ugu yaraan 6 qof oo rayid ah kadib toogasho ka dhacday magaalada Rott am See ee gobolka Baden-Württemberg ee dalkaasi Jarmalka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: