Ciidamadda Dowladda oo degaano cusub kala wareegay Alshabaab

Ciidamadda Dowladda oo degaano cusub kala wareegay Alshabaab

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay Deegaanka Baladul Amiin ee Gobolka Shabeelaha Hoose,halkaas oo sida la sheegay ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Ciidamadan ayaa ka ruqaansaday deegaanka Bariiri ee Gobalka Shabeelaha Hoose, iyagoo xooraan ku helay in deegaanka Baladul Amiin ay Al-Shabaab ku suganyihiin, isla markaana ay bilaabeen howlgal ay ku baadi goobayaan Xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan deegaankaas.

Saraakiisha Taliska Ciidanka lugta ee xoogga dalka ayaa waxaa ay sheegeen in ciidamda ay howlgalka kula wareegeen Godale, Cadaleey, Luqamaan, Cilmi Shide iyo Baladul Amiin oo hoostaga Degmada Toora-Toorow ee Gobolka Shabeelada Hoose iyo goobo kale.

Bilihii la soo dhaafay ayaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, iyaga oo howlgal kula wareegay deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com