Ciidamada UGANDA oo sheegay in 189 katirsan maleyshiyaadka Alshabaab ay ku dileen Tuulada Siigaale

Ciidamada UGANDA oo sheegay in 189 katirsan maleyshiyaadka Alshabaab  ay ku dileen Tuulada Siigaale

Afhayeenka Ciidamada Uganda ee ka tirsan AMISOM Col Deo Akiiki ayaa Warbaahinta u sheegay in weerar ka dhacay tuulada Siigaale oo koofurgalbeed kaga beegan caasimada Muqdisho ilaa 99.5 KM ay ku dileen illa 189 ka mid ah dagaalamayaasha Alshabaab.

“Weerarkan ayaa si kala gaar gaar ah loogu qaaday Sigaale,Adimo iyo Kayitoy oo ku dhow Janaale gobolka Sh/hoose waxaana ay ciidamadu dileen 189 Alshabaab ah waxayna burburiyeen hub faro badan.”ayuu yiri afhayeenku.

Sidoo kale weerarkan ayuu ku sheegay afhayeenku in lagu burburiyay labo gadiidka dagaalka ah iyo mootooyin ay isticmaalayeen Alshabaab.

“Meel keyn ah oo lagu magacaabo Doncadaafeedow oo 7km galbeed ka xigta Janaale ayay ciidamada UPDF ku kala eryeen dagaalayal Alshabaab ka tirsan oo halkaa ku shirayay waxayna ku dhaawaceen qaar badan oo ka mid aha sarakiisha shirka ka qeybgalayay,”

Weerarkan ayaa la sheegay in ay ka qeybgaleen diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca kuwaasoo ay bilaabeen haatan inay adeegsadaan ciidamada Uganda ee ka tirsan AMISOM.

Ciidamada

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com