Ciidamada Suudaan oo rasaas ku furay dad tacsi ka qaybgalayay

HomeWararka

Ciidamada Suudaan oo rasaas ku furay dad tacsi ka qaybgalayay

Booliska Suudaan ayaa rasaas nool ku furay dad ku baroor diiqayay guriga mid ka mid ah dibadbaxayaasha dalkaasi oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray

Puntland oo Warmurtiyeed kaso saartay Dagaal Somaliland kusoo qaaday Puntland (Akhriso)
Guddoomiyaha iskaashatada kalluumaysatada degmada EYL oo ka hadlay dhibaatoyin haysta kaluumaystada.
Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo soo dhaweyeey hadal ka soo yeeray RW khayre

Booliska Suudaan ayaa rasaas nool ku furay dad ku baroor diiqayay guriga mid ka mid ah dibadbaxayaasha dalkaasi oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray habeen hore rasaas ay ciidamada ammaanku ay ku fureen hoygiisa.

Ilaa laba kun oo qof ayaa kasoo qaybgalay baroordiiqa Mucaawiye Bashiir Khaliil oo 60- sano jir ahaa kaasi oo loo toogtay kadib markii lagu soo eedeeyey inuu martigeliyay dadka dibadbaxyada dhigaya, Khaliil ayaa la toogtay isagoo gurigiisa jooga kadib markii uu gabaad siiyay dad dibadbaxyo dhigaya oo hoygiisa uu ku qariyay.

Banaanbaxyaasha ayaa xiray inta badan waddooyinka, iyagoona sidoo kalle ku guulaystay inay qabriga ay geeyaan Khaliil , kaasi lagu dukuday masaajidka.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay dad caraysan oo dhagxaan kala hortagay mid ka mid ah gaadiidka booliska, kaasi oo markii dambe rogmaday.

Saraakiisha dowladda Suudaan ayaa sheegaya in 24 qof ay ku geeriyoodeen dibadbaxayada oo soo socday todobaadyadii lasoo dhaafay, balse hay’adaha arrimaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegaya in khasaaruhu intaasi kasii badan karo.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: