Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo soo dhaweyeey hadal ka soo yeeray RW khayre

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo soo dhaweyeey hadal ka soo yeeray RW khayre

Siyaasiga Mucaaradka C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa soo dhoweeyay hadalkii ka soo yeeray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ee ahaa in doorasho xilligeeda ku dhacda la qabanayo.

Waxaan soo dhowaynayaa hadalka Raysalwasaare Kheyre uu ku balanqaaday in la qabto doorasho xiligeeda ku dhacda, la isku raacsanyahay, xasiloon saamilayda siyaasadeedna qayb ka yihiin, si loo ilaaliyo xasiloonada dalka iyo wadajirka ummada”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Sidoo kale waxaa uu boggaadiyay fahamka ku aadan in doorashada ay wax kasta ka muhiimsan tahay, ay leedahay mudnaan, maadaama ay lafdhabar u tahay xasiloonada dalka.

Hadalkan ayaa ahaa mid saacadihii la soo dhaafay aad looga hadal hayay baraha bulshada iyo mowqifka Ra’iisul Wasaaraha ka istaagay in doorasho dalka u socdo, ayna aheyd wax soo socday oo ahaa in afartii sanaba mar la qabto doorasho, taasoo meesha ka saareysa warar soo baxayay oo sheegayay in Madaxtooyada raadineyso muddo kororsi.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com