Ciidamada Soomaaliland oo weerar ku ah Jamhada Korneyl Caare

Ciidamada Soomaaliland oo weerar ku ah Jamhada  Korneyl Caare

Wararka ay Daljir ka helayso  gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Soomaaliland ay soo gaareen meel u dhow Buuraleyda Ceerigaabo,halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo daacad u ah Korneyl Caare oo dagaal kula jira Soomaaliland.

Saraakiisha  Ciidamo Soomaaliland ayaa Ciidamadii Millateriga ahaa ee kusugnaa deegaannada Tukaraq iyo Yubbe waxa ay udaabuleed dhanka Buuralayda Ceerigaabo, gaar ahaan Buurta Karin.

Dad ku sugan magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegeen inay dareemayaan cabsi ku aadan in uu dagaal dhex-maro Ciidamada Millateriga Soomaaliland iyo kuwa daacada u ah Korneyl Caare.

Korneyl Siciid Cawil Jaamac Caare ayaa dhowr jeer waxaa uu dagaal la galay Ciidamo ka tirsan kuwa soomaaliland oo uu ku weeraray Saldhigyadooda,waxaana sidoo kale fashilmay wada-hadallo la doonayey in lagu dhex-dhexaadiyo Soomaaliland iyo korneyl Caare oo mar kamid ahaan jiray.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com