Bakool: Todobo Caruur ah oo ugeeriyootay  cuddurka shuban biyoodka

HomeWararka

Bakool: Todobo Caruur ah oo ugeeriyootay cuddurka shuban biyoodka

Ilaa 7-da caruur ah ayaa la sheegayaa in cuddurka shuban biyoodka uga dhinteen deegaanka Caato oo ka tirsan gobolka Bakool mudo 48 saacadood gudohood

Sheekh Shariif oo si weyn u tageeray go’aankii Midowga Africa
CARSHAANTA HARKA QABO EE MURCANYO,
Wasiir Khadiijo oo Farriin U Dirtay Madaxda Dowladda Soomaaliya (dhegayso)

Ilaa 7-da caruur ah ayaa la sheegayaa in cuddurka shuban biyoodka uga dhinteen deegaanka Caato oo ka tirsan gobolka Bakool mudo 48 saacadood gudohood ah.

Waxaa geerida 7-da caruurta ah Warbaahinta uxaqiijiyay guddoomiyaha deegaanka Caato Dubad Xasan Cali

Dhinaca kale kusimaha Guddoomiyaha gobolka Bakool Cabdullaahi Maxamed Nuur (Snake) ayaa sheegay in cudurka shuban biyoodka ka dilaacay deegaano badan oo katirsan gobolka Bakool.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay jiraan dad u dhintay iyo dad badan oo uu soo ritay wuxuna baaq u diray Dowlada Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradaha ay khuseyso iyo hay’adaha Samafalka.

Deegaanada qaarkood oo shuban biyoodku ka dilaacay ayaa lasoo sheegayaa in xaalada dadka aad u liidato ka hortaguna uu waad u yar yahay.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: