Sheekh Shariif oo si weyn u tageeray go’aankii Midowga Africa

HomeWararka

Sheekh Shariif oo si weyn u tageeray go’aankii Midowga Africa

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa taageeray baaqii Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika iyo kii ka soo baxay Golaha Amm

Farmaajo oo Diyaarad Rakaab ka Raacay Muqdisho
Dawladaha Dalka oo Go’aanno ka Gaaray Xaasaska al-Shabaab
Warbixin mid kamid ah goobaha loo Dalxiis tago Dalka Kenya

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa taageeray baaqii Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika iyo kii ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee lagu diiday muddo kordhintii sharci darada ahaa ee loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dalkaan uusan qaadi karin xil kordhin, isla markaana heshiiskii September 2020 uu yahay dariiqa kaliya ee looga badbaadin karo dalka inuu fowdo galo.

Qoraa uu bartiisa ku qoray ayaa ahaa sidan:-

Bismillaah

Waxaan codkeyga ku biirinayaa taageerada baaqa golaha amniga ee Q.M, kan golaha amniga ee Midowga Africa, iyo baaqyada isxigxiga ee saaxiibada Soomaaliya ee caalamka oo ay si wadajir ah ugu cambaareeyen muddo kordhinta sharci darrada oo inyar oo kamid ah golaha shacabka ay sifa aan waafaqsanayd shuruucda dalka u go’aamiyeen.

Waxaan markale ku celinayaa in Soomaaliya aysan qaadi karin xil kordhin oo ay tahay in heshiiskii September 2020 uu yahay dariiqa kaliya ee looga badbaadin karo Dalka inuu galo fowdo iyo amni darro caqabad ku ah xasilloonida Soomaaliya iyo tan gobolka.

Waxaan ugu baaqaynaa madaxda xilligoodu dhamaadey iyo maamulada sida indha la’aanta ah u taageerey iyagoon la tashan dadka ay matalaan inay ka fiirsadaan tallaabooyinka qaras iska tuurnimada ah oo ay qaadayaan, waxaana ugu baaqeynaa inay kusoo laabtaan miiska wada hadalka oo ay tahay in doorasho la aado sida ugu dhaqsaha badan.

Dalkaan dowladnimadiisa jilcan meel fog baa laga keeney oo waqti, xoolo iyo nafba loo huray, sidaa awgeed marna lama aqbali doono ficillada aan mas’uuliyadda lahayn ee ay wadaan koox yar oo kursi jacayl uu madax maray.

Mahadsanidiin

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: