Ciidamada Puntland & Al-shabaab oo ku dagaalamay deeganka Af-Urur ee gobolka Barri

Ciidamada Puntland & Al-shabaab oo  ku dagaalamay deeganka Af-Urur ee gobolka Barri

Ciidamada Puntland iyo Xubno kantirsan Ururka Al-Shabaab ayaa xalay waxa uu dagaal xoogan ku dhexmaray buuraha dhanka waqooyi kaga beegan deegaanka Af-Urur oo ka tirsan Gobolka Bari.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada Puntland ay weerareen Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo buuraha isku urursanayay si ay usoo weeraraan deegaanka Af-Urur oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Puntland.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in Ciidamadu ay howlgal ka fuliyeen Buuraha dhanka Waqooyi ee Af-urur iyo wadada aada dhinaca Sugurre.

Saraakiishu ma sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalka, hayeeshee ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee laga fulinayo dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer waxaa ay weeraro hoobiyeyaal ah iyo kuwo toos ah ku qaadeen degaanka Af-urur, halkaas oo ay fariisin weyn ku leeyihiin Ciidamada dowlad Goboleedka Ountland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com