Amniga Dalka Kenya oo aad loo adkeeyay

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa ku baaqay in sare loo qaado feejignaanta xaga amniga ah ee gudaha dalkaasi Kenya.

Kulan uu Maanta la yeeshay Uhuru Kenyatta Gollaha Amniga Qaranka ayuu faray hay’adaha ammaanka inay sare u qaadaan feejignaanta iyo ka warhaynta “dhibaatooyinka amni ee ka socda gobolka.

Kenyatta ma uusan sheegin haddii ay jirto khatar gaar ah balse wuxuu soo saaray awaamiirta la xiriira dhanka amniga.

Dalka Kenya oo kamid ah dalalka deriska la ah Soomaaliya ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay weeraro khasaaro geystay oo mas’uuliyadooda sheegteen Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com