Ciidamada liyuu Boolis oo dilay dad Shacab ah & xiisad ka dhalatay

HomeWararka

Ciidamada liyuu Boolis oo dilay dad Shacab ah & xiisad ka dhalatay

Ciidamo katirsan kuwa dowlad degaanka Soomaalida ee liyuu Boolis ayaa rasaaseeyay Dad Shacab ahaa oo ku sugnaa degmada Shilaabo ee gobolka Qoraxay, ku

Wasiirka Waxbarashadda DFS oo saxiixay mashruuca horumarinta Waxbarashada
Caawa & Daljir iyo Xasan Heykal, Daljir Bossaso (dhegayso)
Ugaarsiga lagu hayo Xayawaanka diinka oo sii badanaya (dhegayso)

Ciidamo katirsan kuwa dowlad degaanka Soomaalida ee liyuu Boolis ayaa rasaaseeyay Dad Shacab ahaa oo ku sugnaa degmada Shilaabo ee gobolka Qoraxay, kuwaas oo ka gadoodsanaa ceel biyood ay dowladdu ka qodi lahayd tuulada Xodey gaajo oo kamid ah degmada Shilaabo.

Inta la xaqiijiyay laba Ruux ayaa ku geeriyootay rasaasta ay fureen Ciidamada liyuu Boolis kadib markii ay isku dhaceen dadka Shacabka ahaa iyo Ciidamada, sida ay Warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Mid kamid ah Odayaasha Dhaqanka degaanka oo lagu Magacaabo Cabdirisaaq xaaji Ibraahim ayaa sheegay in Ceelka aan lagu qodeyn rabitaanka dadka degaanka balse lagu qodayay rabitaanka dad tuulo kale degan, isla markaana Goobta Ceelka laga qodayay ay tahay mid aan ka imaaneyn biyo.

Dhinaca kale Hoggaanka Nabadgalyada ee degaanka Soomaalida Dayib Axmed Nuur ayaa dhankiisa sheegay in ugu horreyn ka xun yihiin waxa goobta ka dhacay, balse war aan jirin loo sheegay shacabka degmada Shilaabo oo ah in deegaamayn cusub la wado oo dad kale lasoo dejinayo goobtan ceelka laga qodayo, taasina aysan waxba ka jirin.

Dhowr jeer ayaa meelo kamid ah dhulka dowlad degaanka Soomaalida waxaa ka dhacay isku dhacyo u dhaxeeyay Ciidamada liyuu Boolis iyo dadka Shacabka ah, hayeeshee waxaa inta badan khasaaraha uu soo gaaraa dadka Shacabka ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: