Wasiirka Waxbarashadda DFS oo saxiixay mashruuca horumarinta Waxbarashada

HomeWararka

Wasiirka Waxbarashadda DFS oo saxiixay mashruuca horumarinta Waxbarashada

Wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka daah-furay isla markaana saxiixay

Wacaal DARAY ah: Madaxweyne Gaas oo ku Casuman Caleemosaarka Xaaf ee Cadaado
Warka Arooryo iyo Cumar Lakiman, Daljir cWaaq (dhegayso)
Maamulka Degmadda Cabudwaaq oo ku Guulaystay daminta Dab ka kacay Cabduwaaq (dhegayso+Sawiro)

Wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka daah-furay isla markaana saxiixay mashruuca horumarinta waxbarashada ee (Education Cannot Wait), oo ay si wadajir ah u fulinayaan hay’adda ADRA iyo Wasaaradda Waxbarashada, hiddaha iyo Tacliinta Sare Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ka hadlay mashruucan ahmiyadda uu u leeyahay horumarinta waxbarashada Carruurta Soomaaliyeed, waxaana mashruucan laga fulin doonaa dhammaan Gobolada Dalka oo idil, si looga wada faa’iideysto.

“Waxaan Maanta daah-furay isla markaana saxiixay mashruuca horumarinta waxbarashada ee (Education Cannot Wait) oo ay si wadajir ah u fulinayaan hay’adda ADRA iyo Wasaaradda Waxbarashada,hiddaha iyo tacliinta sare”ayuu yiri mudane; Goodax.

Waxaa daah-furka mashruucan goobjoog ka ahaa xubno ka socda hay’adaha USAID, EU, ECW secretarial, UNICEF iyo ADRA, iyagoo si wada jir ah u soo dhoweeyay yididiila wanaagsanna ka muujiyay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: