Ciidamada Jubba oo Kismaayo ku qabtay rag haysta baasabooro British oo lagu tuhmay Al-shabaab

Kismaayo, November 26, 2013 – Ciidamada maamulka KMG ah ee Jubba ayaa gelinkii dambe ee shalay gacanta ku dhigay labba nin oo si sharci daro ah ku soo galay Soomaaliya kana yimi dhanka Kenya, sida ay sheegeen Jubba.

Labbada nin oo watay doon ayaa lagu qabtay dekedda magaalada xeebta ah ee Kismaayo, waxaana gacanta loo geliyey ciidamada Kenya ee ka tirsan howl-galka nabad illaalinta midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidamada Jubba waxay sheegeen in raggaani ay ka tirsan yihiin kooxda Al-shaaab, Jubba ayaa xaqiijiyey in labbada nin ee la qabtay ay haystaan baasabooro British ah.

Ragga la hayo baaritaano ayaa ku socda haatan, waxaana la xaqiijiyey in ay ka yimaadeen magaalada Mombaza ee xeebta gobolka Coste ee dalka Kenya, ururka Al-shabaab ilaa hadda kama aysan hadlin ragga la qabtay.

Diiwaanka wararka

Radio dalir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com