Ciidamada Duulaanka ah ee Somaliland oo laga qabsaday saldhig ciidan

HomeWararka

Ciidamada Duulaanka ah ee Somaliland oo laga qabsaday saldhig ciidan

Ciidamada duulaanka ah ee Somaliland ayaa laga qabsaday saldhig ciidan oo horay ay uga qabsadeen Puntland, kuna yaala dhanka bari ee deegaanka Tukaraq

MID KAMID AH BEELAHA DEGA PUNTLAND OO KULAN AY YEESHEEN KAGA HADLEEN XILIBAANADA BFS
ONLF oo war saxaafadeed ka soo saartay Xiisadda Siyaasadeed ee ka jirta Jigjiga
WARBIXIN: MUQDISHO OO U DIYAAR GAROOBAYSA XUSKA MAALMAHA XORIYADA

Ciidamada duulaanka ah ee Somaliland ayaa laga qabsaday saldhig ciidan oo horay ay uga qabsadeen Puntland, kuna yaala dhanka bari ee deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, kadib dagaalkii cuslaa ee saakay qarxay.

Wararka aanu ka helayno saraakiisha dagaalka ayaa sheegaya in dagaalka uu wali socdo ayna ciidamada Puntland la wareegeen sidoo kale sadex aag oo horay dagaalka uu uga socday oo ay ku sugnaayeen ciidamada Somaliland ee duulaanka ku ah Puntland.

Saraakishu waxa ay sheegeen in gaadiid iyo maydad ay ugu tageen saldhiga ay qabsadeen, walina dagaalka uu socdo, wixii kasoo baxana ay dib kasoo sheegi doonaan.

Somaliland ayaa doonaysa inay qabsato xuduud ay sheegtay inuu Ingiriiska uu u sameeyey oo katirsan dhulka Puntland ay maamusho, halka Puntlandna ay ku doodaysa inay iska difaacayso weerarka Somaliland.

 

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: