Ciidamada Ammaanka ee Gaalkacyo oo dad usoo qabtay dilkii Xil. Cabdixakiin Macalin

Ciidamada Ammaanka ee Gaalkacyo oo dad usoo qabtay dilkii Xil. Cabdixakiin Macalin

Ciidamada ammaanka ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sameeyey howlgal balaaran oo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyey dilkii xidhibaan Cabdixakiin Macalin Daahir loogu gaystay xalay magaalada Gaalkacyo.

Kooxo hubaysan ayaa xildhibaanka iyo waardiyihiisa ku furayay rasaas, iyagoo fadhiyay banaanka hore hotel Classic ee magaalada Gaalkacyo.

Saraakiisha ammaanka ayaa xaqiijiyay inay soo qabteen shan qof oo baaritaano uu ku socdo.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilka xildjibaan Cabdixakiim Macalin Daahir ee xalay kadhacay Gaalkacyo.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com