ONLF oo war saxaafadeed ka soo saartay Xiisadda Siyaasadeed ee ka jirta Jigjiga

ONLF oo war saxaafadeed ka soo saartay Xiisadda Siyaasadeed ee ka jirta Jigjiga

Ururka ONLF ayaa ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka jirta magaalada Jigjiga ee Caasimadda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, iyagoo ku baaqay in la dejiyo xiisadda.

War saxaafadeed uu soo saaray ONLF ayaa lagu sheegay in shacabka Soomaalida ee ku nool dowlad deegaanka ay xaq u leeyihiin inay ka tashadaan arrimahooda siyaasadeed, ayna is maamulaan, sida uu dhigayo dasruurka dowladda Federaalka ee Itoobiya

Sidoo kale waxaa ONLF ay sheegtay in shacabka Soomaalida ay xaq u leeyihiin inay doortaan cida ay rabaan inay hoggaanka qabato.

Waxaa loogu baaqay dowladda Federaalka Itoobita iyo dowlad deegaanka inay qadariyaan rabitaanka shacabka, ayna ka hor yimaadaan tallaabooyinka khatar gelin kara karaamada iyo danaha shacabka Soomaalida.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaaliya Mustafa Cagjar ayaa wajahaya culeysyo uga imaanaya Hoggaanka Xisbiga talada haya iyo dhinacyo diidan siyaasaddiisa, waxaana labo jeer looga yeeray Addis Ababa.

Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada dowlad deegaanka Soomaalida ayaa xilka laga qaaday, halka qaarkood la xiray.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Abti yariisoow 5 years ago

    GEES LO, AAD KULAYLKAA LAGU JARAA
    INTA AY GOORI GOORTAHAY KA HORTAGA
    HOWSHAA ADINKU SOO FOOL LEH

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com