Ciidamada Dowladda oo Xalay dilay Nabadoon & Dowladda oo ka hadashay

HomeWararka

Ciidamada Dowladda oo Xalay dilay Nabadoon & Dowladda oo ka hadashay

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in Ciidamada gaarka ah ee Dowladda Soomaaliya ay xalay Degmad

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh oo ka hadlay Soomaalida sii kala fogaanaysa
Saaka & Dunida iyo Cabdinaasir jeekey, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland oo Nigeria kaga qayb galay Kulan muhiim ah (Sawiro)

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in Ciidamada gaarka ah ee Dowladda Soomaaliya ay xalay Degmada Wanllaweyn ku dileen sarkaal dhinaca Maaliyadda u qaabilsanaa Al-shabaab.

Wasiirka ayaa Bartiisa Facebook ku qoray in Nabaddoon Macallin Jeelle uu ka mid ahaa AL-shbaaab gaar ahaan qeybta Maaliyadda.

“xalay 27-Dec-2017.Ciidanka gaarka ah ee Soomaaliya ayaa howlgal gaar ah ka fuliyay Wanllaweyn,waxaa lagu doonayay in lagu soo qabto Nin Al-shabab maaliyadda u qaabilsan oo lagu magaaco Macallin Jeelle,waxaa uu diiday in uu isku dhiibo Ciidamada,iyada oo naftooda difaacaya ayuuna dhintay,waxaa ay doonayeen in ay nolosha ku qabtaan”.

Ehellada Nabaddoonka Xalay lagu dilay Wanllaweyn ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in Ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen guri uu ka degganaa Magaalada Wanllaweyn islamarkaana la toogtay.

Odayaasha uu nabaddoonka u ahaa Macallin Jeelle ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in Meydka Nabaddoonka la geeyay Garoonka Balli-doogle oo ah saldhigga Ciidamada xalay dilay,halkaasna ay Odayaasha iyo saraakiisha saldhigga ku wadahadlayaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: