Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Ku wareejinta Dowladda Maamulka Xarunta Hawadda Somalia laga maamulo

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo maanta xarigga ka jaray xarunta Maamulka Hawada Soomaaliya oo laga dhisay Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda ay dadaal badan ku bixisay arrintan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhinaca kale sheegay in kaddib maamulka hawada Soomaaliya ee ay dowladda la wareegeyso ay xigi doonaan la wareegidda Maamulka Sohdimaha iyo Badda Soomaaliya oo uu sheegay in cidkasta ay iska gasho islamarkaana sidii ay doonaan ka yeelaan.

Waxaa uu Guul Taariikhi ah ku tilmaamay furitaanka Xarunta Maamulka Hawada Soomaaliya ee maanta laga furmay Muqdisho,waxaa kale oo uu Madaxweynuhu sheegay in Dowladdiisu ay ku guuleysatay yareynta khilaafka Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’isalwasaaraha.

Dhinaca kale waxaa uu Wasaaradaha iyo xafiisyada kale ee dowladda ugu baaqay in xafiiskasta ay ka dhigaan mid Soomaaliyeed oo aan laga warin xafiis qabiil leeyahay sida uu sheegay.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com