Ciidamada dowladda oo la wareegay degaano ka kala tirsan Hiiraan & Baay

Ciidamada dowladda oo la wareegay degaano ka kala tirsan Hiiraan & Baay

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka degaanka ayaa howlgallo kala duwan oo ay sameeyeen waxaa ay saacadihii la soo dhaafay kula wareegeen degaano ka kala tirsan Gobolada Hiiraan iyo Baay ee Maamulada Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Ciidamada xoogga dalka qeybta 60aad ayaa saaka howlgal xoogan kula wareegay degaanka Goof-gaduud Buureey, halkaas oo todobaad ka hor ay Al-Shabaab dagaal kula wareegeen kadib markii ay weerareen.

Wararka laga helayo degaanka Goof-gaduud Buurey ayaa sheegaya in Ciidamada xoogga dalka ay halkaasi ka wadaan howlgallo guri guri ah oo ammaanka lagu xaqiijinayo, waxaana Saraakiisha ciidamada ay sheegeen in ay ka hortagayaan weeraro uga imaanka Al-Shabaab.

Dhinaca kale qaar kamid ah Ciidamada dib u xoreynta Gobolka Hiiraan ayaa la wareegay degaanka Xamiir-gaab oo saaran jiinka wabiga, Isla markaana u dhaxeeya Degmooyinka Buulo-barade iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Ciidamada dib u xoreynta ay dhowr jiho ka weerareen degaanka Xamiir-gaab, hayeeshee degaanka ay Al-Shabaab, isaga baxeen, waxaana degaanka Xamiir-gaab laga ilaalin jiray degaanka buurweyn ee Gobolkaasi Hiiraan.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Xamiir-gaab ayaa sheegaya in Ciidamada dib u xoreynta ay halkaasi ka wadaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo, waxaana horjoogayaasha hoggaaminaya ay sheegeen inay howlgallada sii wadi doonaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com