Ciidamada dowladda oo la wareegay degaano horleh oo katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe

HomeWararka

Ciidamada dowladda oo la wareegay degaano horleh oo katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa weli howlgallo kala duwan oo ka dhan ah Ururka A-Shabaab waxaa ay weli ka wadaan degaano iyo degmooyin ka tirsan Gob

Muqdisho: Midowga Golaha Mushariixinta oo kulan la leh xildhibaanada ka soo jeeda Gobalada Waqooyi
Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Bosasso (dhegayso)
Koox hubaysan oo Bosaaso weerar ka gaysatay

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa weli howlgallo kala duwan oo ka dhan ah Ururka A-Shabaab waxaa ay weli ka wadaan degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe, iyaga oo howlgallada degaano dhowr ah kula wareegay.

Howlgalkii ugu dambeeyay ee uu hoggaaminayay Xildhibaan Korneyl Cismaan Xaadoole oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Ciidamadu waxaa ay kula wareegeen degaano kuyaalla Bariga degmada Balcad, kuwaas oo kala ah, Jamceeco Misra, Maqdis, Baardheere, Gaashaanle, Tugaareey, Jameeco Mubaarak, Doonka Maxaa Colow iyo Mansaale

Korneyl Cismaaciil Xaadoole ayaa sheegay in howlgallada ay weli Gobolka Shabeellaha Dhexe ka wadayaan, isla markaana ay gacanta ku dhigeen 30 Xubnood oo katirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Ciidanka xoogga dalka ay ka go’an tahay in guud ahaan ay Al-Shabaab ka saaraan degaannada iyo weli kaga sugan yihin Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Muddo ku dhow todobaad ayay Ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa Burundi ee ka tirsan howlgalka ATMIS waxaa ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyaga oo Goobo dhowr ah la wareegay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: