Ciidamada dowladda oo joojiyay banaanbax lagu taageerayay RW Roooble

HomeWararka

Ciidamada dowladda oo joojiyay banaanbax lagu taageerayay RW Roooble

Dad is abaabulay ayaa Maanta waxaa ay dibadbax ka dhigeen meelo kamid ah Xaafada Seybiyaano ee degmada Hodan, kaas oo ay sheegeen inay kaga soo horjee

PSF: “Howlgalkii Balidhidin waxaan ku dilnay 20 kamid ah kooxda Daacish”
Maraykanka oo Eedayn Kulul u Jeediyey Kuuriyada Waqooyi
Qoor Qoor oo shir gudoomiyay Kulankan oo looga hadlayay adkaynta & xoojinta Amniga Degmada Xarardheere

Dad is abaabulay ayaa Maanta waxaa ay dibadbax ka dhigeen meelo kamid ah Xaafada Seybiyaano ee degmada Hodan, kaas oo ay sheegeen inay kaga soo horjeedaan afgambi ay sheegeen in uu doonayay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay wateen boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay kamid yihiin,( AFGEMBI MAYA DOORASHO HAA) iyo Erayo kale, waxaana ay soo mareen waddooyinka qaar ee Xaafada Seybiyaano ee degmada Hodan.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur & Wasiirkii hore ee Amniga ee Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa waxaa ay sheegeen in banaanbaxa ay hor-istaageen Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaliyeed Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) & Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud (Qaroole).

”Dibadbax looga soo horjeedo afgambigii Farmaajo, ayaa waxaa hor istaagay Farxaan Qaroole iyo Kaniif. Raysalwasaaraha Rooble iyo Wasiirkiisa amniga waxaan ka codsanaynaa in ay dadka ka horwareejiyaan haraadiga kaligii taliska ayuu yiri” Cabdiraxmaan Cabdishakuur”

Dhinaca kale Wasiirkii hore ee Amniga ee Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo horkacayay banaanbaxayasha ayaa waxaa uu dhankiisa yiri” Askar ay soo direen taliye ku xigeenka Booliska Kaniif iyo taliyaha gobolka Banaadir Farxaan Qaroole ayaa la ii sheegayaa in ay is hor istaag ku sameeyeen shacab banaanbax si nabadgalyo ah u samaynayey degmada Hodan oo aan qeybtaysii hore aan goobjoog ka ahaa. Waxaa muuqata nimankaas in weli la shaqaynayaan rajiimkii waqtigu ka dhamaada, ayna dhegaha ka furaysteen baaqii raysulwasaaraha.

Taliyeyaasha lagu eedeeyay inay banaanbaxa joojiyeen ayaan weli ka hadlin, waxaana tani qeyb ka tahay khilaafka xoogeystay ee u dhaxeeya Madaxweyne Farmajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in loo soo gudbiya cabasho ka dhan ah Booliska oo ku aadan inay waxyeelo u geysteen mas’uuliyiin iyo shacab ka qayb gelayay isu soo bax nabadeed.

“Waxaa isoo gaartay Cabasho ah in hay’adaha Amniga gaar ahaan booliska dalku wax yeelo u gaysteen mas’uuliyiin iyo shacab ka qayb gelayay isu soo bax nabadeed ayuu yiri’ Wasiirka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: